Archive for the ‘Somaliland’ Category

Sawiradii soo Dhoweynta Muj Siilaanyo

Sunday, January 31st, 2010

SomalilandToday- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si balaadhan maanta loogu soo dhaweeyey Magaalda Hargeysa kadib safar muddo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Maraykanka.

Soo dhawaynta Siilaanyo oo ay ka qayb galayn dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo uu ka mid ah Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Md Muuse Biixi Cabdi kuwaas oo gawaadhi aad u tiro badan kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha laga soo bilaabo Madaarka iyo ilaa uu gurigiisa ka gaadhayey.

Gawaadhi faro badan oo ay ku rakiban yihiin Cod baahiyayaasha Mikrofoonka iyo Calamada Xisbiga KULMIYE ayaa ilaa saaka wareegayay magaalada iyadoo si weyn looga dareemayey inuu imanayo Siilaanyo.

Dhinaca Kale waxan dhicin Mudaharaad Mucaaradku sheegayeen inay Xukuumadu la maagan tahay imaanshaha Gudoomiye Siilaanyo kaas oo xisbiga KULMIYE sheegayey inay xukuumadu soo abaabushay kooxo loogu talo galay inay ku mucaaradaan Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Siilaanyo ayaa diyaarad gaar ahi kasoo qaaday magaalada Addis Ababa iyadoo keentay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Hargeysa

Soo Dhawaynta Maanta loo sameeyey Siilaanyo ayaa ahayd tii ugu weynayd ee Abid lagusoo dhaweeyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyadoo dadweynuhu la yaabayn waxa gawaadhi is taxday Wadada.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna Amniga Sugayey iyadoo aan wax dhibaato ahi ka dhicin intii lasoo dhaweenayey Siilaanyo 

Wadada hor marta Madaxtooyada Somaliland oo la filayey in gawaadhida soo dhaweenaya Siilaanyo ay Maraan ayaa la xidhay iyadoo Kolonyada gawaadhida ee Soo dhawayntu way ka wareegayn wadada Dusha ee dabo marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

alt


alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

Cabdirisaaq Sh. Cilmi Mixile & Mukhtar Cirro

Al-Shabaab oo ku wajahan Somaliland,Puntland iyo Galmudug

Friday, January 29th, 2010

Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu cuslaa waxay bartamaha bisha Febaury ku qaadayaan Somaliland,Puntland iyo Galmudug State sida lagu helay xog ka soo baxday kulan ay ku yeesheen Magaaladda Mogadishu.

Guuto loo bixiyay Jeeshul Umah,uuna taliye u yahay Ibrahim Xaaji

Jaamac Meecaad (Afakhani) oo ah Abaanduule ku xigeenka AlShabaab ayaa qaadi doona weerarka ku wajahan Somaliland,wuxuuna qorshahoodu yahay inay awood Melleteri ku jiiraan xoogaga Ahlusuna ee fadhiya Balanbale iyo Caabudwaaq.si ay u galaan dhulka Hoowd iyo Burco.

Weerarka Al-Shabaab ee Galmudug State waxaa hogaamin doono nin lagu magacaabo Koba ku dukade,sida ay xaqiijiyeen Saraakiil sare oo aad loogu kalsoon yahay.


Gaaska loo diyaariyay weerarka Galmudug ayuu qorshahoodu yahay inay duulaanada ka qaadaan jiidaha Hobyo,Beergadiid iyo Ceelbuur.

Gaas uu badan ajnabiyiin uuna Taliye u yahay Fuad Mohamed Khalaf oo loo yaqaan Ina Shongole ayaa sidoo kale waxay weeraro qorsheeysan ka qaadi doonaan degaan xiga Galaadi iyo dhinaca xeebta Eeyl,si ay dhabar jebin Melleteri ugu sameeyaan Ciidamadda Puntland oo difaacooda ugu badan dhigi kara Galkacyo si ay iska caabin ula sameeyaan Ciidamadda Galmudug.

Fuad Mohamed Khalaf – Shongole

Saraakiisha Melleteri ee Al-Shabaab ayaa rumeeysan in awooda Ahlusuna sii taagnaan karin maadama ay iskaga baxeen Magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan sababo ay ku sheegeen niyad jab.

Xoogaga Ahlusuna Wal Jameeca lama ogga sababaha ku kaliftay inay Beledweyne iskaga baxaan hasse yeeshee waxay difaac adag u yihiin Somaliland,Puntland iyo Galmudug.

Saraakiisha Ahlusuna wal Jameeca ayaa laga soo xigtay inaysan wax taageeraa ka helin Maamuladda Somaliland iyo Puntland,laguna daawaday dagaalka ay kula jiraan Xulufadda Al-Shabaab iyo Xisbul Aweys.

Dagaalyahanadda Ahlusuna ee bartamaha Somalia ayaa la soo wariyay inay gadood uga bixi karaan difaacyada jiidaha hadii aysan taageero ka helin Maamuladda Somaliland ,Puntland iyo Galmudug.

Al-Shabaab inkastoo ay ku hoobteen dagaaladda goboladda dhexe sida Beledweyne,Dhuusamareeb,Warxoolo iyo Guriceel hadana waxay taageero xoogan ka helaan Ururweynaha Al Qaeda ee Ussama Bin Laden u madaxda yahay.

Magaaladda Istiraatiijigaa ee Beledweyne oo ay ka baxeen Waxgalkii Beesha Xawaadle waxaa ka socda raaf dhalinyarada degaanadaas loogu daad gureeynaa Mogadishu iyo Baraawe si loogu tababaro askarinimo.

Somaliland Today.Net

Ayaan Darro

Wednesday, January 27th, 2010

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa habeen hore la guddoonsiiyey shahaado sharaf lagu maamusay waxqabadkiisa siyaasadeed , nabadeed iyo horumarineed oo ay siiyeen golaha wakiilada ee dawladda (gobolka) Minnesota (Minnosota House of Representatives). Shahaadadaas waxa saxiixday guddoomiyaha golaha wakiilada ee Minnosota, Margaret Kelliher.

Xildhibaanada Golahaas Wakiilada ee Minnesota ka tirsan ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sharfay shahaadada wax qabad maaha dad ay isyaqaanaan, ma aha dad ay diin wadaagaan, ma aha dad dhaqan iyo dhiig ay wadaagaan, mana aha dad ay isku caado yihiin oo ay meel wada dagaan, mana  aha da ay dameerahoodu is gayaan, haddana waxay garteen inay sharfaan oo guddoonsiiyaan shahaado sharaf  siday doontaba ha ahaatee.

Waxa ayaan darro ah in kuwii uu u soo halgamay ee uu xoreeyey markii ay soo wada baratameen Daahir Riyaale oo ahaa nin aanay isku aqoon ahayn, isku waayo aragnimana ahayn, isku tacliin ahayn ay haddana ka door bideen inay doortaan Riyaale. Waynu ku qanacnay laakiin su’aasha halkan ka bannaani waxa weeye sidii aynu ugu lisnay ma inoogu hambeeyey Daahir Riyaale? Jawaabta fududi waa MAYA.

Ma jirto meel ay caalamka dushiisa ay ka dhacday inta taariikhda casriga ah la xasuusanyahay meel jabhadd waddan xoreysay ay gacanta u gelisay kuwii laga xoreeyey oo ay yidhaahdeen noo taliya. Waa xaqiiq laakiin xaqiiqda iyo xaqu dadka qaarbuu qoorgooyo ku yahay.

Waxa maanta naxdin iyo anfariir leh, shahaado sharaf la siiyo iska daaye, in waddankiisii hooyo ee uu Axmed Siilaanyo u dhashay ee uu xoreeyey ee uu duurka u galay ee uu dhaqanka iyo dhiigaba la wadaago ay leeyihiin ma soo geli karo illaa uu cafis u soo qorto dawladda.

Halka ay gaaladii shahaada sharafta ka guddoonsiyiin, waddankiisii uu u dhashay waxay ula diyaar yihiin oo la sugayaan shahaado sharaf-darro.

Somaliland waxay noqotay waddan ninkii sharafta lahaa uu bilaa sharaf yahay ninkii aan sharafta lahaynna uu shariif yahay?

Ummadda geedkaas beeratay,  midhiisiina way guranayaan haddii ay qadhaadh yihiin iyo haddii ay macaan yihiinba.

Somaliland Today

War Saxafadeedka Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Siilaanyo Iyo Senator Al Franken (D) Jan26/2010 Ee WashingtonDc

Wednesday, January 27th, 2010

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo

ayaa maalintii Salaasada ee 26 ka bisha Jan, 2010 uu xafiiskiisa ku martiqaaday kuna soo dhaweeyay Senator Al Franken (D) oo laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee aqlabiyada ku fadhiya labada gole ee barlamanka-ka Maraykan waa aqalka wakiilada ee kongress-ka iyo aqalka sare ee Senate- ka loo yaqaan, madaxweynaha dawlada Maraykana ka soo jeedo.

Kulanka Senator Al Franken (D) iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ka dhacay xafiiska senatorka ee ku yeela Daarta wayn ee koongress-ka Capital Hill -na loo yaqaan ayaa u dhacay is afgarad iyo jawi is faham leh.

Senator Al Franken (D) iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxay ka wada hadleen arimaha mandiqadda geeska Africa iyo dhibaatooyinka ka taagan oo saamayn ku yeelan kara Jamhuuriyada Somaliland una baahan in wax lagala qabto. Waxa kale oo ay labada mudane ka wada hadleen gooni isu taaga iyo aqoonsiga Somaliland sidii dalka Maraykan uu uga gar gaari lahaa. Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo senator Al Franken (D) waxay ka wada hadleen oo kale kobcinta iyo geedi socodka dimuqraadiyada, doorashada madaxweynimada Somaliland sidii ay ugu dhici lahyd habsami aan mugdi iyo madmadow toona lahayn goob joogayaalna loogu soo diri lahaa.

Kulanka gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Senator Al Franken (D) waxaa kale oo lagaga wada hadlay baahida kala duwan ee Somaliland iyo sidii hay’adaha Maraykan ay xidhiidh toos ah mucaawinooyinka ula yeelan lahaayeen Somaliland.

kulankaas oo ka dhacay xafiiska senator -ka oo ka soo qayb galeen Senator Al Franken (D), madaxa xafiiska iyo shaqaalha Senator-ka halka dhinaca gudoomiyahana ay ka soo qayb galeen Md Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, madax ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan iyo xubno ka tirsan gudida laanta xisbiga Kulmiye ee Washington DC/ Virginia.

Ugu dambayn, Waxaa halkaa Senator Al Franken (D) gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu gudoonsiiyey shahaado sharaf ay aqalka baarlamanka gobolka Minssota ku maamuuseen waxqabadka siyaasadeed , nabadeed iyo horumarinteed ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Shahaada sharaftan oo si weyn loogu muujiyey kaanlinta Gudoomiye Siilaanyo kaga jira taariikhda aduunka oo lagu xardhay waxqabadkiisa siyaasadeed, Nabadeed iyo horumarineed ee uu ka geystay dalkiisa waxaana loo ictiraafay in uu yahay astaan qaran iyo aabaha Dimoqradiyda Somaliland. Md Axmed Siilaanyana waxaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay senatorka, aqalka baarlamanka gobolka Minnesota ee shahaadan u soo gartay iyo dhamaan jaaliyadii reer Somaliland ee gobolka Minessota.  Senator Al Franken (D) ayaa isna dhinaciisa uga mahad celiyay booqashada gudoomiyaha waxaanu balan qaaday in uu xidhidhka gudoomiyaha halkaa ka sii wadi doono

ALLA mahad leh

Gudida Xisbiga Kulmiye Ee Waqooyiga Maraykan



SOMALILAND: Forces place 12 Dhulbahante tribal leaders under..

Tuesday, January 26th, 2010

LAS ANOD (Somalilandtoday) — Twelve traditional tribal chiefs from the Dhulbhante clan have been placed under house  arrest by Somaliland forces in the town of Holhol.

In total, 14 tribal chiefs, known as Garaad or Isimo were expected to hold a political round-table discussions in the town of Holhol in the district of Huddun of Sool region, about 220km north of Las Anod on Sunday. The main focus of the Garaado Confederacy was to implement and establish a committee who would carry out attacks against Somaliland forces including political assassinations, remote bombing and creating unrest in the region. The conference was a follow up to a conference that was held in Nairobi early this year which was designed to create instability in the region.

source:somalilandpress

Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay

Tuesday, January 26th, 2010

Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado Iyo Soo Jeedimihii Madaxweynaha : Ohio(Geeska) -Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay eedo xukuumaddu ugu jeedisay kullan uu la yeeshay gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka Xildhibaan Donald Payne iyo  waraysi uu dhawaan bixiyay oo uu ku soo qaaday waqtigii halganka ee SNM in arragti ahaan ay u dagaalameysay xoraynta dalkii Soomaali oo dhan.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo oo labadii todobaad ee ugu danbeeyay-ba ku sugnaa dalka Maraykanka, ayaa xukuumaddu waraysiyadda iyo kullamada uu halkaa ku yeeshay waxaa ay ka bixisay Tafsiir ay si toos ah iyo si dad-babanba ugu sheegtay inuu aaminsan-yahay nidaamka federaalka ah oo aan ummadda Somaliland jeclayn. “Arrintaasi waa arrin lagu qoslo weeye.. maxaa keenay, in aanu waddno federaal, Marka aanu dawladii aduunka ugu weyneyd (Maraykan) u soo jeedinay in ay danayso Somaliland.  Federaal ma wadno’e, waxaanu waddnaa Somaliland.   Somaliland baanu u taaganahay, Somaliland anaga ayaa keenay, Somaliland anaga ayaa dhisney. Somaliland ayaanu hurumarkeeda, wax u qabashadeeda iyo Ictiraafkeedda u dagaalamaynaa una hawl-galaynaa.

Dawlladu wixii ay gaadhi weyday, xilkii ay ka baaqsatay markii aanu fulinay ayaa hinaase ka yeedhsiinayaa arrintaa..” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE oo xalay Wargeyska Geeska Afrika khadka Telefoonka ugu waramay isaga oo jooga waddanka Maraykanka gobalka Ohio.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumadda ee Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Eedaha u jeediyay, kaasoo sheegay in uu ku kacay Qaran dumisnimo, Islamarkaana waxaa uu gaadhsiiyay in uu dalbado cafis haddii kalle aanu dalka dib ugu soo laaban doonin.  Haddaba su’aal arrintaa aanu ka weydiinay Gudoomiyaha KULMIYE waxaa uu sheegay in aanu mansab ahaan istaahil ahayn inuu u jawaabo ninka haddalkaasi ka soo yeedhay. “Kaasoo kalle in aan annigu u jawaabo igama istaahillo….” Ayuu yidhi, waxaana uu su’aal kalle oo isla arrintaa laga sii weydiiyay iyo waxa uu ka leeyahay haddii Xukuumadu kulla socoto go’aankaasi oo uu yidhi. “Haddii ay xukuumaddu kulla socoto waa ayaan darro laakiin, waxaan maqlayaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa war kalle soo saaray…waxaa uu ninkaasi ku hadlay ayaan wax lagu hadlaba ahayn, markaa haddii dawladu xilkas-tahay waa in kaasoo kalle talaabadda ku haboon laga qaado.”

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhawaan shir uu saxaafadda u qabtay waxaa uu ugu jeediyay qurba-jooga Somaliland in aanay u dhegtaagin hadalka mucaaradka, islamarkaana aanay dhaqaale ku bixin sida uu hadalka u dhigay kala qaybin xisbiyada mucaaradka ahi bulshada ka dhex wadaan. Sidaa darteed, su’aal arrintaa laga weydiiyay Gudoomiyaha KULMIYE waxaa uu yidhi. “Dad-weynaha dibadu haddalkaa ka dhageysan maayaan.

Dad-weynaha dibadu Iyaga ayaa na soo dhaweynayay, iyagaa xiisaynayay oo na dhagaysanayay.

Dad-weynaha dibadda dalka wax ugu dhimani ma jiraane 100% waa ogyihiin. Cidda horumarkiisa iyo dimuquraadiyaddiisa waxba ka qaban-weyday waa og-yihiin, cidda sababtay dibu dhacyadda doorashooyinka waa og-yihiin, cidda dadka lugoynaysa waa ogyihiin. Markaa dadweynaha kama qarsoona taasi, ha taageerinana haddal maaha. Dadweynaha taageeradda aanu ka helay, sida ay noo garab istaageen iyo balan-qaadka aanu ka helay iyo sidda ay u danaynayaan dalka horumarkiisa guud ahaan iyo in uu is bedel yimaadaba waa mid aad iyo aad u weyn sababaha lanagu soo dhaweynayo ayay ka mid-tahay, dadkuna waxay aad iyo aad noogu guubaabinayeen in dalka aad mar horeba is bedel ka sameysaan ayay ahayd, aad ayay u deg-degsanayaan oo u jecelyihiin inay arkaan dalkii oo is bedel ku yimi.”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha KULMIYE waxaa kalle oo la sii weydiiyay arrinta la xidhiidha doorashooyinka Isu soo dhawaanaya ee Baarlamaanka iyo arrinta dawladaha hoose oo ka mid ahayd qodobadii Madaxweyne Rayaale ku soo qaaday shirkiisa. Waxaana uu kaga jawaabay oo uu yidhi. “Walaahi wuxuu uga dan leeyahay maan garran, dalkana kumma sugni oo qolyihii kalle waa joogaan. Laakiin, waxaan uun ognahay waxaa weeye, markii horana waxyaabaha loo soo hormariyay doorashadda Madaxweynaha ileyn mar walba isaga yaa dib u dhigayay doorashooyinka oo sababtooda lahaaye.

Waxayaabaha doorashadda madaxtooyada loo soo hormarinayay ee aan loogu qaldayn doorashooyinka kalle sababo ayaa jiray, sababihiina meesha kama ay bixin, Oo waxay ahayd in aan doorashadda madaxtooyadda lagu qaldin kuwa kalle, haddii lagu qaldana dabeecadii doorashadu lahayd oo dhan ayaa is bedelaysa, ujeedada uu ka leeyahayna waa taas.

Taana hore, ayaa go’aan looga qaatay oo meel la dhigay, oo meeshii ayuu yaalaa wax lagaga noqdaana ma jiraan. Mudnaantiina halkii ayay taalaa. Markaa, waxaanu anagu waxaanu u arkaynaa waxaan iyo qaskan lagula dhex jiro guurtida… inay waxaasoo dhami daaran-yihiin in la raadiyo sababo kalle oo mar kalle doorashadu dib ugu dhacdo ama si kalle isu bedesho,. Laakiin, anagu waxaanu ugu yeedhaynaa oo ummada ku guubaabinaynaa isagana aanu leenahay, doorashadaa madaxtooyadda wax lagu qasaa yay jirin sidii lagu balamay ha u dhacdo. Guurtida iyo arrimeheedana faraha halagala baxo, dalka xasiloonidiisana hala illaaliyo oo cidda laga ilaalinayaa ha ahaato maamulka maanta jira, xukuumaduna ha sugto inta Komishanku ku dhawaaqayo xiliga doorashadda, si xilkasnimo ahna hawshaas haloo daayo, Aflagaado iyo wax kalle looma baahnee, haddii ay tamar isku hayso hala hortimaado…”

Gudoomiye Siilaanyo isaga oo sii faah-faahinaya aflagaadada uu xusay waxaa uu intaa ku daray oo uu  yidhi. “Aflagaadada waxaan uga jeednaa waxaa lanaga sheegayo ee dadka la aflagaadaynayo ee loogu hanjabayo ee Maxamed Xaashi ka mid ahaa arrimahaas oo dhami ka mid weeye.”

Gudoomiye Siilaanyo waxaa uu sheegay in socdaalkiisani wax badan u soo kordhiyay Somaliland, islamarkaana illaa hadda uu meel fiican u marayo. “Howlahayagu meel fiican ayay marayaan, gobollo kala duwana waanu soo maray. Bisha 8-deedii ayaanu nimi Maraykan, illaa intaana, Baarlamaanka dadbaanu ka arragnay, arrimaha dibadda waanu arragnay, shirar badan ayaanu qabanay oo doodo badan aanu ka galay, oo aqoon-yahano badan, madax badan iyo dad badan oo Somaliland daneeyaaba ay isugu yimaadeen. Xildhibaano Baarlamaanka ah ayaanu arragnay. Immikana Ohio ayaanu joognaa, shirkii ugu danbeeyay caawa (Xalay) ayaanu qabanaynaa, hawllo wanaagsan ayaanu qabanay dadkuna xoog ayay uga qayb-galayeen oo u daneynayeen shirarkayaga reer Somaliland iyo madaxda kalle ee aanu arkaynayba. Waxaanan u arragnaa in aanu Somaliland magac weyn u soo haynay oo ay u baahnaayeen socdaalkan dalka iyo dadkuba.”

Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Qodobadda ugu waa weyn ee aanu kala hadalay (Maraykanka) waxaa ka mid ah in lanaga caawiyo horumarinta dalka iyo xoojinta nabadgelyadda, dimuquraadiyadda iyo ictiraafka intaba aad ayaanu ugala hadalay qadiyadeenana aad ayaa loo danaynayay, taasina xiisaha badan iyo su’aalaadka badan ee lanaga weydiinayay qadiyadeena ayay nooga muuqatay.”
Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Wasiir Ku Xigeenka Axmed Keyse oo Ka Hadlay Arrintii Ka Dhalisay Waddanka Duufaanka Siyaasadeed

Monday, January 25th, 2010

Wasiirk ku xigeenka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Axmed Aadan Ismaaciil, oo haatan ku sugan xarunta Nairobi ee dalka Kenya ayaa tifatiraha WARYA TV waraysi khaas ah la yeeshay si uu uga jawaabo hadalka ka soo yeedhay ee ahaa inaanu Axmed Siilaanyo waddanka ku soo noqon karin illaa uu cafis soo qorto mooyaane, maqaalkaas oo ay daabacday shabakaddan WARYA TV. Haddaba wasiirka oo aannu 13 su’aalood weydiinay sidan ayuu uga jawaabay:

______________________________________________________

1 ) Waxaad tahay nin aqoon leh oo carriga Ingiriiskana muddo dheer ku noolaa oo waayo arag ah maxaa kugu kalifay inaad u hadasho sidii qof aan aqoon lahayn oo aad tidhaahdo Siilaanyo waddanka ma soo geli karo illaa uu cafis u soo qorto dawladda?

Waxa aan marka hore ku bilaabayaa magaca eebbe ee naxariista guud iyo mida gaarka ahba.  Mar labaadka waxaan idiinka mahad celinayaa fursadan wareysi ee aad i siiseen ee aad weliba ii suurtogeliseen in aad su’aalihii ii soo dirtaan si aan uga jawaabo. 

Intaas haddii aan ka gudbo, waxa aan u maleynayaa in aad wax badan aragtay in dadka la bidaayo aqoonta ama siyaasiyiinta ay ugu cey badan yihiin, six xun ugu dhaqmaan qabyaaladda ama u adeegsadaan, caadeystaana in ay ku hadlaan hadalo qaawan oo aslbuuta iyo anshaxa hadalka baal marsan.  Taas markaasi in aad la yaabto meesha mataalo. Balse, run ahaantii anigu u maleyn maayo runtii ilaa intii aan dalka ku soo laabtay, October, 2002 ilaa hadda in ay diiwaanka iigu jirto sifooyinka, dhaqanka, dabeecaddaha, iwm ee aan kor ku soo sheegay. Haddii aan su’aashaada u soo noqdo ma odhan gudoomiye Axmed  ma soo geli karo dalka ilaa uu cafis soo qorto, mana odhan karo waayo maaha shaqadayda, waajibkayg iyo awoodeyda in aan amarka intaas le’eg bixiyo, haddii aan bixiyona cid iga hoos qaadaysaa ma jirto.  Balse sida aan u idhi  waxa aad ka arki kartaa su’aashan denbe.

2)  Si aanay dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aanay si qalada ah ugu fasilan erayada aad ka tidhi TV-ga qaranka ma noogu celin kartaa mar labaad sida aad u tidhi iyadoo lahayo codkaagii oo duuban?

      Horta su’aasha aan ka jawaabay waxa ay ahayd Guddoomiye Axmed waxa uu yidhi Nidaamka Federalka ayaan aaminsanaa xilligii halgankii SNM ee sidaad u aragtaa?  Jawaabtii iyo fakirkaygii waan ka dhiibtay.  Waxa aanan sheegay in ay nasiib daro tahay in xilligan Gudoomiye Axmed oo ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa ee soo maray SNM, xillal wasiirnimona ka soo qabtay intii Somaliland Jirtay, una tartamay jagadda madaxweynanimo doorashadii dalka ka dhacday 2003, iminkana hunguri, rajo iyo damac ka qaba in madaxweyne ka noqda dalkan in u yidhaado Federal ayaan aaminsanaa xilligii halganka.  Waxa aan walaac ka muujiyey iyo dareen sas leh arrintaasi oo aan ku sheegay in ay tahay ‘signal’ uu Gudoomiyuhu cid u diraayay. Taasina waa waajibka wasaaradda arrimaha debedda in aanu ka hadalno arrin kasta oo aanu u aragno in dhabar jab ku noqon karto Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland.  Arrinta kalena waxa ay ahayd soo jeedin iyo tallo aan u soo jeediyay wasaaradda iyo ciidanka boliiska in hadii Gudoomiye Axmed uu Federal aaminsanayahay uu sidii siyaasiyiintii iyo madax-dhaqameedyadda ka soo noqday fikirkoodii Federalnimo uu cafis soo qorto inta aanu dal ku soo laaban.  Weliba waxa aan raaciyay arrintaasi xisbigiisa iyo hogaankiisa sare ayay u taala, waxa ay ka yeelayaan.  Intaas ayaa ugu muhiimsanayd wixii aan idhi oo looma baahna in aan ku celiyo mar labaad.  Qofkii doonayaa wuu heli karaa iyada oo duuban.   

3)  Maxaa arrintan idinku dhaliyey inaad ku dhaqaaqdaan illayn micnaha ay leedahay iyo cawaaqibka ay ku yeelan karto amniga waddanka waad garanaysaye mise ismaad lahayn illaa heerkaas ayey gaadhaysaa?

      Marka hore su’aasha qeyb waan ka jawaabay oo arrintani ma ahayn go’aan dowladeed, soo jeedin iyo tallo ayay ahayd oo la qaadan karaayay ama la iska dhaafi karaayay oo aniga iga timid. Arrinta meesha taalayna culeyskeeda iyo miisaankeeda ayay lahayd hadii ay adiga kula tahay wax aan macno lahayn.    Horena waxa u dhacday in siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedyo hore  u aaminsanaa nidaamka Federalka oo  ka soo noqday fikirkoodii  in ay dalka cafis ku soo galeen.  Ma garanaayo waxa ay macnaha weyn u sameynayso ama denbiga culus u tahay in marka dad qaar yidhaahdaan Federal ayaan aaminsanaa ama aan aaminsanahay hadda, kuwana marka ay yidhaahdaan loogu sameynaayo cudur- daar iyo sidaas ugala ma uu jeedin hebel.  Waxa aan u arkaa qofka Federal-ka aaminsan si loola wada dhaqmo da’da iyo darajada uu doona ha ahaade eh.  Arrin nabadgelyo xumo keenaysa oo meesha taalayna may jirin ogaalkay.

4)  Wasiirkaagu hadalkii aad tidhi wuu beeneeyey ee sideed u aragtaa arrintaas?

Wasiir Cabdillaahi M. Ducaale waxa uu yidhi ogaalkay hadalkii iyo fikirkii wasiir-ku-xigeenka waxa uu ahaa mid isaga u gaar ah ee ma ahayn go’aan xukuumadeed iyo mid wasaaradeed  toona.  Taasna dhib iyo ceeb toona uma arko. 

5)   Waxa nagu maqaala ah in madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ay isku dhaceen waayo madaxweynuhu muu jeclaysan jawaabta uu bixiyey Cabdillaahi, maxaad ka ogtahay arrintaas?

Runtii arrintaasi waxa aan ka ogahay ama kala socdaa ma jirto oo Nairobi ayaan hadda joogaa, balse waxa ay iila muuqataa in uu yahay war sameys ah. 

6)  Madaxweynuhu miyuu arrinkan kula qabaa oo kugu raacsan waayo illaa immika hadal lagama hayo?

      Wasiirka ayaaba cadeeyay in fakirkan iyo hadalkani anniga igu gaar  yahay  oo aanu u ahayn go’aan xukuumadeed ee maxaa keenay meesha madaxweynehu miyuu kula qabaa?  Ta aad leedahay muxuu uga hadli waayay dee wasiirkii ay khuseynaysa arrinku ayaaba ka hadlay eh maxaa looga baahan yahay in uu madaxweynahuhu ka hadlo ama uu u sii wadwado arrintan.

7)   Ma u aqoonsantahay inuu Axmed Siilaanyo yahay nin mujaahid ah oo ixtiraam iyo sharaf ka mudan xukuumadda Somaliland sida uu wasiirkaagu tibaaxay?

      Horta Gudoomiye Axmed iigama baahna in aan aqoonsado.  Haddii aan amaan kow uga bilaabo oo kun ugu geeyana wax ay tarayso ama ay u kordhinayso.ayaan jirinba.  Balse, waxa aan qabaa in uu ixtiraan mudan yahay ilaa inta uu yahay musharax jagada madaxweyne, oday iyo mujaahid reer Somaliland.  Isaganu waa in uu ixtiraamaa dareenka shacabkiisa, madaxda iyo mas’iiliyiinta Qaranka iyo kuwa xisbiyaddaba.

8)  Ma loo arki karaa in xukuumadda kulaylkan uu ka keenay siyaasaddii arrimaha debedda oo xisbiga KULMIYE kaga dheerayey?

     Wasaarad ahaan dhowr jeer oo hore ayaanu soo dhaweynay oo sheegnay in madaxda iyo mas’uuliyiinta xisbiyadda qaranku ee safaradda shaqo ku taga dalalka adduunka ay muhiim u tahay qadiyadda iyo madax banaanida Somaliland.  Waayo waxa aanu aaminsanahay marka ay madaxda dalalkaasi  la kulmaan  in ay baraan ama ka dhaadhiciyaan dalka iyo xaqa ay ummadda reer Somaliland  u leedahay in ay aayahooda ka tashadaan.  Kuleyka iyo qeylo dhaantu ma aha halkaasi ee hadii aanad  garan “Saad-denbe Ayaad Garan”.  

9)  Qaraarkan ah in aanu Axmed Siilaanyo waddanka soo geli karin isagoo muwaadiin waddanka u dhashay ah, halkee lagu gaadhay, yaase gaadhay? Ma Madaxweynaha ayaa soo gaadhay mise Maxakamadda Sare mise gole wasiiro ah ayaa ka fadhiistay?

     Su’aashaasi waan ka jawaabay. Waxa aanan sheegay in aan wax qaraar ahi jirin.

10) Ma sharci cusub ayaa soo baxay oo dadka reer Somaliland lagaga mamnuuci karo waddanka inay soo gali karaan iyo inkale? Ma jiraa qodob loo cuskaday oo dastuurka ku yaalla oo qofka muwaadinka ah ka mamnuuci kara waddanka in loo diido?

      Taasi ma jirto.  Balse waxa jira in qofkii ka qeyb galay shirarkii dub-u-heshiisiineed ee Somaalida loo qaban jiray ama ka horyimaada Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland uu yahay denbiile qaran, dalkana soo geli karin ilaa uu cafis soo dalbado oo weliba laga ogolaado.

11) Waraysiga Axmed Siilaanyo iyo Cabdillaahi Yuusuf ee ku saabsan wadahadalka dhex maray wuxuu ahaa mid dhacay 1984kii. Adigu markaa waxaad arday ka ahayd Muqdisho, madaxweyne Daahir Riyaalena wuxuu ahaa madaxii NSSta ee Berbera, markaa maxaa immika taariikhdaa soo nooleeyey oo aad uga dhigaysaan mid immika taagan?

      Cabdillaahi Yusuf Axmed waxa uu ka masaxay oo goomo ama istiikad ka mariyay Siilaanyo xantii iyo ku-tidhi-ku-teenkii laga sheegayay ee ahayd in uu Gudoomiyuhu Axmed aaminsan yahay Somaliweyn.  Taas oo  sida intii badani laga yaabo in aad  ka warqabtaan Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Kulmiye uu sare u qaad qaaday arrintaasi oo yidhi waa taas beenowday  dacaayadii ay xukuumaddu ku bixinaysay lacagta ee ahayd in Musharaxyaga lagu dhufto shaanbad Somaliweyn ama Federal.  In yar ka dib warkii wuu beeniyay gudoomiye Axmed oo waxa uu sheegay in uu Fedaral aaminsanaa xilligii halgankii SNM.  Taas weeye ta soo nooleysay arrinka haddii aanad fahmin iyo haddii kaleba, culeyskeedana leh.   

12) Miyaad aaminsantahay adigu shakhsiyan inuu Axmed Siilaanyo yahay nin aaminsan Federal?

      Ma aha muhiim in aan kuu sheego ama la ogaado waxa aan annigu ka aaminsanahay Gudoomiye Axmed, balse waxa muhiim ah in la ogaado wuxuu gudoomiyhu aaminsan yahay.  Waxa kale oo muhiim iila mmuqata  in la ogaado waxa uu shacabka codka laga doonayaa  ay  ka aaminsan yihiin gudoomiyaha.

13) Maxaanu kaa gaadhsiinaa ummadda reer Somaliland ee akhrisanaysa     waraysigaagan?

Waxa aan odhan lahaa iska ilaaba qof iyo shakhsi jaceylka ama naceybka.  Qabiilkana sida fiican ee ilaahay iyo rasuulkiisu raalli ka yahiin u adeegsada, kolay deyn maysaana.   Musharixiinta, mas’uuliyiinta xukuumada iyo xisbiyaduba way tageyaan goor ay noqotaba ee dalkiina ilaashada.  Anniguna inta aan arrimaha debedaa jooga qofkii aan uga shakiyo in ku kacay ficil iyo hadal waxyeeleynaaya Qadiyadda Madax Banaanida Somaliland waan ka hor imanayaa ilow uu walaalkayna muu ahaado.

Munaasibad Lagu Meel Mariyey Guddiga Fulinta Gobolka Hargeysa Ee Xisbiga Kulmiye

Monday, January 25th, 2010

Munaasibad balaadhan oo maanta ka dhacday Hotel-ka Summer Time oo ay soo qaban qaabiyeen masuuiyiinta iyo gudoonka gobolka hargyesa ee xisbiga Kulmiye ayaa waxaa lagu meel mariyey guddi ka koobaan 17 xubnood oo noqon doona guddiga fulinte xisbiga kulmiye ee gobolka Maroodi-Jeex.

Munaasibadaas waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye gaar ahaana kusimaha gudoomiyaha hana gudoomiye ku xigeenka koowaad Md Muuse biixi Cabdi, xoghayaha guud ee kulmiye Md Kayse Xassan Cige, Maxamed Cabdi Iskeerse, Canab Cumar Ileeyey iyo nasuuliyiin tiro badan.

Guddigan fulinta ayaa waxaa ka soo shaqeeyey guddi uu hore xisbigu ugu saaray oo in mud ah ku mashquulsanaa sidii ay u soo dhisi lahaayeen.

Guud ahaan masuuliyiinta halkaas ka hadashay ayaa si-weyn u soo dhaweeyey gudomiyaha gobolka Hargeysa Mr Axmed Xaaji C/laahi (Xamarje) waxaanay si balaadhan ugu amaaneen xilka uu hayo iyo sida uu uga soo baxay.

Muuse Biixi Cabdi ayaa si gaara Xamarje ugu tilmaamay in uu yahay mid si weyn uga soo mudhay gudoomiyayaasha gobolada hargeysa.

Masuuliyiinta xibiga kulmiye ayaa sidoo kale maanta ka aqblay gudoomiye Xamarje guddiga fulinta ee ay u soo gudbiyeen, waxaana in badan loogu hanbalyeeyey kartida uu muujiyey.

Gudoomiyaha gobolka Hargeysa Mr Axmed Xaaji C/laahi (Xamarje) ayaa si weyn isna uga hadlay guddi ahaan waxa maanta looga baahan yahay, waxaana uu sheegay in ay gobolka Hargeysa Albaab Albaab u garaaci doonaan si ay u ogaadaan aqalka kastaba inta cod ee ay ku yeelaan doonaan

Isaga oo arrintaas ka hadlaayey Axmed Xaaji C/laahi (Xamarje) waxa uu yidhi

“Maanta waxaa la inooga baahan yahay in aynu gobolka Maroodi jeex xaafadaha ku yaala Albaab Albaab u garaacno si aynu u ogaano aqal kast inta cod ee aynu ku yeelan karno”

Hadalkaasi ayaa in badan soo jiitay masuulyinta iyo marti sharaftii kale ee ka soo qayb gahsy madasha lagu ansixinaayey guddiga fulinta ee Gobolka hargeysa ee uu yeelan doona Xisbiga Kulmiye.

Waxaany guddigaasi maanta la meelmariyey ay sheegeen in ay ku shaqayn doonaan sida ugu daacadsan, isla markaana ay ku hawl gali doonaan si wada jira

Magacyada Guddiga Fulinte Ee Lagu Dhawaaqay

  1. Axmed Xaaji C/laahi (Xamarje) gudoomiyaha gobolka
  2. Cabdi Cismaan Aw Cali (Naano) Gudoomiye ku xigeenka Gobolka
  3. Xamse Ciise Cabdi= xoghayaha gobolka
  4. Mawliid Axmed Xuseen (Madaxa Dhalinyarada iyo ciyaaraha)
  5. Aamina Maxamuud Diiyre (Madaxa Dhaqaalah)
  6. Maxamuud Xuseen Farax (Madaxa Siyaasada)
  7. Xasan Maxamed Xaaji Maxamuud (Madaxa xidhiidhka laamaha)
  8. Sahra Cali Xuseen (La taliyaha arrimaha haweenka)
  9. Yaasin Xaaji Aadan xuseen xubin

10 Cabdi yuus faarax xubin

11. cali c/laahi xaashi xubin

12 Cali maxamed muse xubin

13. Faysa xasan xubin

14 c/kaarin xassan xaaxi xubin

15 ifraax xiis kaahin xubin

Sidoo kale waxaa isna munaasibaad ka hadlay Md Kayse xasan Cige oo si adag ula hadlay xukumada iyo xisbiga Udub ee hada talada haya, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii

“ Xukumada iyo xisbiga talada haya waxaanu leenahay maanta dagaal meesha ma-yaalo ee waxa aynu isku haynaa waa doorasho, waar badka kaalay oo wax iska celiya”

Ugu danbayntii waxaa isna munaasibaad ka hadlay Md Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in wasiir ku xigeen wasaarada arrimaha dibada looga baahan yahay in uu hadalkiisa cadeeyo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aanu isagu maqal wali meel uu wasiirku ka leeyahay hadalkaas, balse uu maqlay oo kaliya cida hadal haysa oo ah saxaafada iyo masuuliiyinta qaranka