Ayaan Darro

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa habeen hore la guddoonsiiyey shahaado sharaf lagu maamusay waxqabadkiisa siyaasadeed , nabadeed iyo horumarineed oo ay siiyeen golaha wakiilada ee dawladda (gobolka) Minnesota (Minnosota House of Representatives). Shahaadadaas waxa saxiixday guddoomiyaha golaha wakiilada ee Minnosota, Margaret Kelliher.

Xildhibaanada Golahaas Wakiilada ee Minnesota ka tirsan ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sharfay shahaadada wax qabad maaha dad ay isyaqaanaan, ma aha dad ay diin wadaagaan, ma aha dad dhaqan iyo dhiig ay wadaagaan, mana aha dad ay isku caado yihiin oo ay meel wada dagaan, mana  aha da ay dameerahoodu is gayaan, haddana waxay garteen inay sharfaan oo guddoonsiiyaan shahaado sharaf  siday doontaba ha ahaatee.

Waxa ayaan darro ah in kuwii uu u soo halgamay ee uu xoreeyey markii ay soo wada baratameen Daahir Riyaale oo ahaa nin aanay isku aqoon ahayn, isku waayo aragnimana ahayn, isku tacliin ahayn ay haddana ka door bideen inay doortaan Riyaale. Waynu ku qanacnay laakiin su’aasha halkan ka bannaani waxa weeye sidii aynu ugu lisnay ma inoogu hambeeyey Daahir Riyaale? Jawaabta fududi waa MAYA.

Ma jirto meel ay caalamka dushiisa ay ka dhacday inta taariikhda casriga ah la xasuusanyahay meel jabhadd waddan xoreysay ay gacanta u gelisay kuwii laga xoreeyey oo ay yidhaahdeen noo taliya. Waa xaqiiq laakiin xaqiiqda iyo xaqu dadka qaarbuu qoorgooyo ku yahay.

Waxa maanta naxdin iyo anfariir leh, shahaado sharaf la siiyo iska daaye, in waddankiisii hooyo ee uu Axmed Siilaanyo u dhashay ee uu xoreeyey ee uu duurka u galay ee uu dhaqanka iyo dhiigaba la wadaago ay leeyihiin ma soo geli karo illaa uu cafis u soo qorto dawladda.

Halka ay gaaladii shahaada sharafta ka guddoonsiyiin, waddankiisii uu u dhashay waxay ula diyaar yihiin oo la sugayaan shahaado sharaf-darro.

Somaliland waxay noqotay waddan ninkii sharafta lahaa uu bilaa sharaf yahay ninkii aan sharafta lahaynna uu shariif yahay?

Ummadda geedkaas beeratay,  midhiisiina way guranayaan haddii ay qadhaadh yihiin iyo haddii ay macaan yihiinba.

Somaliland Today