Naag reer London ah oo la yidhaahdo, Ann Naysmith, ayaa waxay ku dhex noolayd gaadhi muddo 26 sannadood ah. Gabadhan, oo ahaan jirtay macallimad muusiga dhigta, waxay go’aansatay inay gaadhigeeda ku dhex noolaato ka dib markii gurigii ay ku jirtay ee London laga saaray.

Waxay ku dhex noolayd gaadhigeeda noociisu ahaa Ford Consul tan iyo 1976kii. Hase yeeshee gaadhigeedii waxa qaatay kawnsalka (dawladda hoose) oo u aragtay in gaadhigan meesha ku abaaday uu yahay mid xagga caafimaadka khatar keeni kara. Dadka deriska la ah gabadhan oo da’deedu tahay 60jir aya go’aansaday inay u iibiyaan gaadhi cas oo Mercedes ah oo ay ugu beddelaan gaadhigii Ford Consul-ka ahaa ee laga qaaday.
Somaliland Today