Ninkii Rabay Dilkayga Ayaan Rabaa In Aan Xabsiga Ku Booqdo:Kurt

Ninkii sawiri jirey sawirgacmeedka ee wiilka Soomaaliga ahi uu gurigiisa ku weerarey ayaa maanta sheegey inuu doonayo inuu wiilkaas kula kulmo xabsiga  una mahad celiyo.


Kurt Westergaard wuxuu yiri  ”Waxaan doonayaa inaan xabsiga ku booqdo wiilkaan oo aan u mahad celiyo,inuusan waxba  yeelin gabdhaan awoowaha u ahaa ee ila joogtey markuu isoo weerarayey”

Wiilkaan Soomaaliga ah markii uu guriga ugu galey reerkan  ayaa odaygii  ka cararey gabadhii uu awoowaha u aha illeen naftu waa macaantahaye oo isku soo xirey qolka amaanka ee looga sameeyey gurigiisa,wuxuuna salootadii uga cararey gabar yar oo 5 jira oo uu habeynaaks usii hayey waalidkii dhaley oo xaflad aadey,wiilka Soomaliga ahi waa uu arkey gabadhaan yar oo xili yar ayuu la joogey waxna ma yeelin.

Arintaan ayaa ka careysiisey dad badan oo daanisha kuna tilmaamey Kurt Westergaard fuley maxaa yeeley wuxuu ka nafjecleystey gabdhii yareyd ee awoowaha uu u ahaa, taasoo jirtey 5 sano oo qura.
Hada wuxuu doonayaa Kurt Westergaard inuu uga mahad celiyo wiilkaan Soomaaliga ah,siduu ula dhaqmey ilmaha yar,Waxaa lasheegey in wiilkaan Soomaaliga ah uusan xitaa wax baqdin ah galin gabadhaan yar.
Wuxuu kaloo yiri “Waxaan rabaa inaan waji ka waji ula kulmo wiilkaan oo aan xitaa waydiiyo Maxaa keeney inaad isku deydo inaad idisho?why.

Saxafdu waxey u bixisey wiilkan Soomaliga ah Ųksemand(Ninkii faaska)

xigasho TV2 Danmark