Al-Shabaab oo ku wajahan Somaliland,Puntland iyo Galmudug

Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu cuslaa waxay bartamaha bisha Febaury ku qaadayaan Somaliland,Puntland iyo Galmudug State sida lagu helay xog ka soo baxday kulan ay ku yeesheen Magaaladda Mogadishu.

Guuto loo bixiyay Jeeshul Umah,uuna taliye u yahay Ibrahim Xaaji

Jaamac Meecaad (Afakhani) oo ah Abaanduule ku xigeenka AlShabaab ayaa qaadi doona weerarka ku wajahan Somaliland,wuxuuna qorshahoodu yahay inay awood Melleteri ku jiiraan xoogaga Ahlusuna ee fadhiya Balanbale iyo Caabudwaaq.si ay u galaan dhulka Hoowd iyo Burco.

Weerarka Al-Shabaab ee Galmudug State waxaa hogaamin doono nin lagu magacaabo Koba ku dukade,sida ay xaqiijiyeen Saraakiil sare oo aad loogu kalsoon yahay.


Gaaska loo diyaariyay weerarka Galmudug ayuu qorshahoodu yahay inay duulaanada ka qaadaan jiidaha Hobyo,Beergadiid iyo Ceelbuur.

Gaas uu badan ajnabiyiin uuna Taliye u yahay Fuad Mohamed Khalaf oo loo yaqaan Ina Shongole ayaa sidoo kale waxay weeraro qorsheeysan ka qaadi doonaan degaan xiga Galaadi iyo dhinaca xeebta Eeyl,si ay dhabar jebin Melleteri ugu sameeyaan Ciidamadda Puntland oo difaacooda ugu badan dhigi kara Galkacyo si ay iska caabin ula sameeyaan Ciidamadda Galmudug.

Fuad Mohamed Khalaf – Shongole

Saraakiisha Melleteri ee Al-Shabaab ayaa rumeeysan in awooda Ahlusuna sii taagnaan karin maadama ay iskaga baxeen Magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan sababo ay ku sheegeen niyad jab.

Xoogaga Ahlusuna Wal Jameeca lama ogga sababaha ku kaliftay inay Beledweyne iskaga baxaan hasse yeeshee waxay difaac adag u yihiin Somaliland,Puntland iyo Galmudug.

Saraakiisha Ahlusuna wal Jameeca ayaa laga soo xigtay inaysan wax taageeraa ka helin Maamuladda Somaliland iyo Puntland,laguna daawaday dagaalka ay kula jiraan Xulufadda Al-Shabaab iyo Xisbul Aweys.

Dagaalyahanadda Ahlusuna ee bartamaha Somalia ayaa la soo wariyay inay gadood uga bixi karaan difaacyada jiidaha hadii aysan taageero ka helin Maamuladda Somaliland ,Puntland iyo Galmudug.

Al-Shabaab inkastoo ay ku hoobteen dagaaladda goboladda dhexe sida Beledweyne,Dhuusamareeb,Warxoolo iyo Guriceel hadana waxay taageero xoogan ka helaan Ururweynaha Al Qaeda ee Ussama Bin Laden u madaxda yahay.

Magaaladda Istiraatiijigaa ee Beledweyne oo ay ka baxeen Waxgalkii Beesha Xawaadle waxaa ka socda raaf dhalinyarada degaanadaas loogu daad gureeynaa Mogadishu iyo Baraawe si loogu tababaro askarinimo.

Somaliland Today.Net